Weerar ‘toorray’ lagu geystay oo ka dhacay Britain iyo fannaaniin caan ah oo xaalka ka falceliyey
Booliska Britain ayaa sheegay in ilmo saddexaad uu dhintay ka dib markii si xun loogu tooriyeeyay goob ay ka socotay ciyaarta qoob ka ciyaarka iyo jimcisiga yoga-da ee waqooyiga England Isniintii.
Toddobo qof oo kale — oo ay ku jiraan shan carruur ah — ayaa ku dhaawacmay oo weli xaaladoodu liidato.
Wiil todoba iyo toban jir ah ayaa xabsiga ku jira ka dib markii lagu xiray goobta. Sababta Tooreyda loo dilay ayaan la ogeyn.
Goobta toorriyayntu ka dhacday muusigga fannaada caanka ah ee Tylor Swift, ayaa ka shidnaa, waxaana ay iyaduna barteeda bulshada ee Instgram ku baahisay sida ay uga xun tahay waxa dhacay, iyada oo ay warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ;ka qarracantay’ sida wax ahaayeen.
Taageerayaasheeda ayaa iyaguna lacag u uruuriyey dadka qoysaska dhibbanayaasu ka soo jeedaan.
Dhinaca kale waxaa jira warar been ah oo dadka isla dhexmarayaan kuna saabsan qofka weerarka geystay
Waxyar kaddib markii uu dhacay weerarka dadka ku dhinteen ee magaalada Southport wadanka UK, waxaa bilowday warar aan sal laheyn oo lagu baahiyay internetka
Booliska iyo kooxaha gurmadka degdegga waxay weli ku mashquulsan yihiin wax ka qabashada dhibaatada ka dhalatay weerarka, iyadoo taas ay jirto ayaa barta Linkedin la soo dhigay qoraal aan wax cadeyn ah loo hayn oo lagu sheegay in qofka weerarka qaaday uu yahay soo-galtooigi waddanka yimid
Booliska waqooyiga galbeed England waxay xaqiijiyeen in qofka laga shakisan yahay uu yahay qof ku dhashay Cardiff oo 17 jir ah. Waxaana boolisku sida oo kale sheegeen in xogta baraha bulshada lagu baahiyey aanay sax ahayn.