Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa weerarro ku qaaday fariisimo ay Xisbullah ku leeyihiin dalka Lubnaan, kadib markii gantaal lagu weeraray dhulka buuraleyda ah ee Golan oo ay Israa’iil maamusho iyadoona halkaas ay ku dhinteen 12 qof oo isugu jiray caruur iyo dhalinyaro kubad ciyaaraysay. Israa’iil ayaana Xisbullah ku eedaysay in ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah bulshooyinka Carabta ee dagan dhulka Israa’iil kuwaas oo loo yaqaan Druze waxa ayna daganyihiin magaalada Majdal Shams. Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen todobo goobood oo fariisimo u ah Xisbullah inkasta oo aysan xaqiijin wax khasaare ah. Xisbullah ayaa dhankooda beeniyay in ay weerar gantaal ah ku qaadeen dhulka buuraleyda ah ee Golan ee ay Israa’iil maamusho. Weerarka gantaal ee lala beegsaday magaalada Majdal Shams ayaa noqonaya midkii ugu darnaa ee ka dhaca xadka waqooyiga Israa’iil tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa’iil bishii Oktoobar 2023. Israa’iil ayaana shaacisay magacyada iyo da’da toban kamid ah dadka dhintay kuwaas oo u badnaa caruur, waxaa sidoo kale dadka dhintay kamid ah qof aan la ogeyn da’diisa.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ay jiraan “waxyaabo muujinaya ” in gantaalka lagu garaacay buuraha Golan ee ay soo rideen Xisbullah.
Blinken ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu garab taagan yahay xaqa ay Israel u leedahay in ay difaacdo muwaadiniinteeda waxa uuna sheegay in xabad joojinta Gaza ay fursad u noqon doonto in xasilooni waarta lagu soo dabaalo xadka u dhaxeeya Israel iyo Lubnaan.
Waxa uu intaa hadalka ku daray in Maraykanka uu wada hadal la leeyahay Israa’iil oo aanu doonayn in uu arko in colaaddu sii kororto.