Qoyskaygu waxay u tageen dhibanayaal ay dhoobadu kusoo duntay halkaas ayeyna ku dhinteen

Meselesh Gosaye, waa hooyo leh lix carruur ah, waxay ku sugnayd gurigeeda buurta ah ee koonfurta Itoobiya ee degmada Gofa, iyada oo daryeelaysa carruurteeda, ayey maqashay dhul go’a iyo dhoobada soo duntay oo ay dad badan ku xayiran yihiin.

“Waxaa jiray dhawaaqa dad qeylinaya, buurta ayaan si degdeg ah uga dhaadhacnay,” ayay tiri iyadoo xakamayn weysay in ay ilmada ceshato, kadib markii ay soo xasuusatay wixii dhacay Axaddii.

Deegaanka Kencho Satcha Gozdi, oo ay ku nooshahay Ms Meselech, waxa ku yaa tuulooyin yar yar oo ku kala firirsan dhulka buuraleyda ah kuwaas oo halis ugu jira fatahaado iyo dhul go’o.

Guryaha deegaanka waxa lagu gartaa guryo dhoobo ka samaysan oo qaarkoodna ay daasad ka samaysanyihiin, kuwaas oo ku yaal ama ku dhow xagga sare ee wadadu ay ka qalloocantahay. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Tuulooyinka kale – oo ay ku jirto midda dhul go’a ku duugantay taas oo ay dadku ku urursanyihiin xagga hoose ee buuraha.

Roobab mahiigaan ah ayaa ka horreeyay masiibadii Axaddii taasoo ka dhigtay waddooyinka ciriiriga ah kuwa khatar ah.

Laakiin Ms Meselech, ninkeeda iyo qaar ka mid ah carruurteeda ayaan ka laba labaynin inay u u gurmadaan goobta shilku ka dhacay.

“Markii aan halkaas gaarnay, waxaan aragnay dhulkii oo liqay guryaha,” ayay u sheegtay BBC-da.

Waxay ku biireen dad badan oo reer miyi ah kuwaas markii ay maqleen warkan, si dareen leh u bilaabay inay qodaan wasakhdii iyo dhoobadii, qaar badan oo iyaga ka mid ahina waxa y ku qodayeen gacmahooda, iyagoo rajaynaya inay samata bixiyaan dadka ku hoos duugan.

Saacadihii xigay waxaa yimid qaar kale oo badan. Laakiin guusha ayaa xaddidneyd – dad yar ayaa nolol loogasoo saaray, qaar kale oo badan ayaana weli ku xayiran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker