Obama oo taageeray Tartanka Madaxtinimada ee Kamala Harris

Barack Obama ayaa taageeray madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris inay noqoto musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuqraadiga, isaga oo soo afjaray maalmo la hadal hayay in uu taageeri doono iyo in kale.

Madaxweynihii hore Obama iyo marwadii kowaad ee hore Michelle Obama ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay inay aaminsan yihiin in Ms Harris ay leedahay “aragtida, dabeecadda, iyo xoogga ay u baahan tahay xilligan xasaasiga ah”.

Mr Obama ayaa ka mid ahaa in ka badan 100 qof oo caan ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo Ms Harris ay la hadashay ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu Axaddii hore ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka.

Hadal uu jeediyay xilligaas, Mr Obama ayaa ku amaanay Mr Biden ka bixitaanka tartnka laakiin waxa uu ka gaabsaday inuu taageero Ms Harris.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa horey u xaqiijisatay taageerada inta badan wufuudda Dimuqraadiga ah, taasoo oo ka dhigeysa inay noqoto qofka rasmiga ah ee u sharraxan shirweynaha xisbiga ee bisha Agoosto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker