Netanyahu oo sheegay in uu wafdi wadaxaajood u diri doono Rome si loosoo afjaro dagaalka ay kula jiraan Xamaas

Raiisulwsaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu wafdi u diri doono Rome si ay wadahadalo ula yeeshaan Israel si loo soo afjaro dagaalka ay Israel kula jirto Xamaas, laakiin waxa uu kaga jawaabayey hadal ka soo yeeray Kamala Harris oo ah in aysan “ka aamusi doonin” “masiibada” Gaza.

Hadalka ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa yimid Jimcihii mar uu booqasho ugu tagay Donald Trump gurigiisa Mar-a-Lago estate ee Florida, maalin ka dib markii uu kala hadlay dadaallada xabbad-joojinta madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ms Harris, madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo sugnaa Washington.

Maamulka Biden wuxuu sheegay in Israa’iil iyo Maraykanku ay “soo yareynayaan kal fogaanta” wadaxaajoodka. Ms Harris, oo ah musharraxa ay u badantahay in uu tartamo madaxtinimada Dimuqraadiga ayaa sheegtay in aysan “ka aamusi doonin” “masiibada” iyo “silica” dadka rayidka ah ee Gaza iyada oo ku baaqday dhammaan dhinacyada inay heshiis gaaraan.

“Waxaa la joogaa xilligii dagaalkan uu dhammaan lahaa oo uu ku dhammaan lahaa si ay nabad u ah Israa’iil, iyo in la sii daayo dhammaan dadkii la afduubtay iyo in lasoa afjaro dhibaatada haysata Falastiiniyiinta Qazana, shacabka Falastiinna ay isticmaali karaan xuquuqdooda xorriyaddeed, sharafta iyo aayo-ka-tashigooda. “aye tiri Ms Harris.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker