Nin u dhashay dalka Tanzania oo Hal Maalin ku Noqday Taajir , Balse Maxaa Sababay?

Nin u dhashay dalka Tanzaaniya ayaa si lama filaan ah maalin gudaheeda ku noqday taajir , kadib markii uu helay labo dhagax oo qaali ah oo lagu iibsaday lacag gaadheysa Malaayiin Dollar.

 

Saniniu Laizer , ayaa dhagxaantan qaaliga ah ka helay Waqooyiga dalka Tanzaaniya oo la sheegay in ay tahay goobta kaliya ee laga heli karo dhagxaantan qaaliga ah,

waxaana ninkan labada dhagax uu helay ku noqday taajir aan horey loo aqoon.

Ninkan ayaana dhagxaantan qaaliga ah uu helay kaga iibsaday 3.4 malyan oo doolar wasaaradda macdanta ee dalka Tanzaaniya, waxaana ninkan durbo telfoon kula hadlay una hambalyeeyay Madaxweynaha Tanzaaniya.

 

 

Ninkan maalin taajirka ah oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lacagtan uu helay qaar kamid ah ku dhisi doono iskuulo sidoo kale ku furi doono xarun weyn oo laga dukaameesto.

 

 

Warbaahinta caalamka ayaana si weyn u hadal heysa ninkan maalin taajirka ah ee sida lama filaan ah magaciisa ku baahay kuna helay lacagta badan, waxaana dadka qaar ninkan ku tilmaameen nin aad u nasiib badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker