Madaxweyne Biden oo Aqalka Cad ku qaabilay Raysal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa saacadihii dambe ee Khamiistii Aqalka Cad ku qaabilay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo booqasho ku jooga dalkaasi.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta Marinka Gaza, sidii loo soo afjari lahaa dagaalka 10-ka bil jirsaday iyo sii deynta la haysteyaasha.

Geba-gabadii kulanka, Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uu Raysal Wasaaraha Israel u sheegay inay lagama maarmaan tahay in la daboolo daldaloolada ka muuqda wada hadalada Israel iyo Xamaas, si loogu heshiiyo xabad joojin iyo in maxaabiista la is weydaarsado.

Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa Warbaahinta u sheegay in loo baahan yahay dhinacyadu inay heshiis gaaraan.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu si cad Raysal Wasaare Netanyahu ugu sheegay inuu doonayo in dhawaan la gaaro heshiis lagu soo afjarayo colaadda, laguna sii deynayo la haysteyaasha.

Waxaa uu sheegay inay jiraan waxyaabo lagu kala duwan yahay, ha yeeshee ay dhinacyada ku boorinayaan inay tanaasulaan.

“Labada dhinacba waa inay sameeyaan tanaasul.” Ayuu yiri John Kirby oo intaa raaciyay “Ka masuuliyiin ahaan waxaan sii wadaynaa inaan la shaqayno dhigeenna gobolka, si loo soo afjaro waxyaabaha lagu kala duwan yahay. Waxaan aaminsanahay inay yihiin kuwo dabiici ah oo loo dhameen karo si fudud, heshiisna laga gaari karo.”

Kirby ayaa yiri “Laakiin waxay u baahnaan doontaa, sida mar walbaba dhacda hoggaamin, tanaasul iyo dadaalkii lagu gaari lahaa.”

Kirby ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Madaxweyne Biden wuxuu u sheegay Netanyahu inuu rumeysan yahay in halkaasi la gaari karo.”

Biden ayaa qaabilay Raysal Wasaaraha Israel, xilliga uu ugu talagalay inuu dib ugu laabto Israel.

Qorshaha ayaa ahaa in labada nin ay kulmaan Talaadadii, balse uu u baaqday Madaxweynaha oo sida la sheegay la tacaalayay xanuunka COVID1-9 oo toddobaadkii hore laga helay.

Netanyahu ayaa Isniintii ka degay Washington maalin uu ka dib, markii Madaxweyne Biden uu ka tanaasulay in mar labaad uu tartamo doorashada bisha November ka dhaceysa dalkaasi.

Booqashada Netanyahu ayaa ku soo beegantay, xilli Israel ay si weyn u lumisay taageerada shacabka Mareykanka, dalkuna uu galay xilli xasaasi ah oo doorasho, dagaalka Gaza ka socdana uu si toos ah u saameynayo.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa tan iyo bishii June Netanyahu ku cadaadinayay in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa muddooyinkanba cadaadis xoog leh kala kulmayay shacabka Mareykanka, oo dalbanayay in si degdeg ah loo soo afjaro weerarada aan sida kala sooca lahayn ee ay Israel ugu leynayso dadka rayidka ah, iyagoona xitaa dib u doorashadiisa shuruud kaga dhigay in marka hore uu gacmaha qabto Netanyahu iyo kooxdiisa.

Hadda, Biden waa uu tanaasulay, balse ma doonayo ayaa la leeyahay in dhibaatada ka jirta Gaza ay saameyso ololaha ay xafiiska ugu tartameyso Kamala Harris, oo kuxigeen u ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker