Dagaalka Runta: Difaacida Mudane Maxamed Abiib iyo Dimuqraadiyadda Somaliland

Dagaalka Runta: Difaacida Mudane Maxamed Abiib iyo Dimuqraadiyadda Somaliland

Dagaalka Runta: Difaacida Mudane Maxamed Abiib iyo Dimuqraadiyadda Somaliland

Waxaa jira dagaal xasaasi ah oo ka socda hoolalka sharafta leh ee Baarlamaanka Somaliland, halkaas oo lah goob loogu talo galay kuqabashada doodo waddanka waxtar u leh oo xooggan iyo inay tusaale u noqoto maamul dimuqraadi ah oo hu dayasho mudan.. Safka hore ee dagaalkan, waxaa ku jira Maxamed Abiib, xildhibaanka lagu majeeranayo ee kucaan baxay daacadnimadiisa iyo ku adkeysigiisa runta, balse loo soo maleegayo dabinno madow oo loogu talagalay in lagu aamusiiyo codkiisa kulul. Mudani Abib wuxuu si dhab ah u metelaa deegaanadiisa, welibana u taagan rabitaanka guud ee 4 milyan oo reer Somaliland ah isaga oo dadaal dheer ugu jira la dagaallanka musuqmaasuqa iyo iska caabinta dulmiga siyaasadeed. Dedaaladiisu waxay ka dhigeen inuu noqdo rajada iftiinka umadda, islamarkaana uu u muuqdo halis kasoo horjeedda awood kasta oo musuqmaasuq ama dulmi ah.
Ninkan geesinimada leh ee qaybta ka ah masraxa siyaasadda Maxamed Abiib, wuxuu muujiyey rabitaankiisa ah inuu sii ahaado mid hufan oo mas’uul ah. Isagoo oo si aan ka gabasho lahayn uga soo horjeeda nooc kasta oo musuqmaasuq ah, ayna ka go’an tahay u hiilinta cadaalddu markasta, wuxuu isu arkaa inuu yahay difaac xooggan oo u taagan xaqa dadkiisa halkii uu ahaan lahaa siyaasi kaliya.
Laakiin dariiqa uu Abiib qaatay waa mid ay buux-dhaafiyeen haliso. Falcelinta daran ee uu la kulmay waxay gaadhay heer la isku dayo in laga qaado xasaanadda xildhibaanimo si loogu furo dacwado siyasadaysan loogu talagalay in lagu dhaawaco sumcaddiisa loona yareeyo waxtarkiisa hoolka baarlamaanka. Kuwani waa isku dayo cad oo ay wadaan xoogagga ka soo horjeeda dimuqraadiyadda si ay u wiiqaan qiyamka ilaalinaya wakiil kasta oo la soo doortay.
Sidaas darteed, waxaan ku jirnaa xaalad xaasaasi ahi, maadaama Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku baaqay kulan aan caadi ahayn 27ka Luulyo 2024, fadhigaas oo lagu gorfeyn doono codsiga Xeer Ilaaliyaha Guud ee ah in laga qaado xasaanadda Abiib. Tani ma noqon doonto fadhig sharciyeed kaliya, laakiin waa dagaal dhab ah oo u dhexeeya xubnaha dulmi wadayaasha ah ee ku jira dowladnimadeenna iyo difaacayaasha xuquuqdeenna dastuuriga ah.
Wakhtigan xasaasiga ahi wuxuu u baahan yahay in xildhibaan kastaa uu qaato go’aan difaacid ah, ma aha oo kaliya difaaca Maxamed Abiib laakiin sidoo kale difaaca dastuurka qarankeena, kaas oo hadda khatar ugu jira in ay si khaldan u isticmaalaan dhowr qof oo raba in ay u adeegsadaan danohooda. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa muwaadin kasta oo reer Somaliland ah inaan u mahadcelino dedaallada sharafta leh ee dadweynaha gobollada Awdal iyo Salel. Taageerada balaadhan ee dadweynaha Somaliland ay u muujiyeen Abiib intii lagu jiray isu soo baxii ugu dambeeyay, iyo sidoo kale aqlabiyadda taageerada ee hoggaamintiisu, waxay tusaale cad u tahay difaaca xooggan ee qiyamka dimuqraadiyaddeenna. Farriintoodu waa mid cad: weerar lagu qaado Abiib waa weerar lagu qaaday qof kasta oo reer Somaliland ah oo jecel xorriyadda iyo caddaaladda.
Haddaba inaga oo ku sii dhowaaneyna maalinta go’aanka la gaarayo oo ah Sabtida, 27ka, dadka gudaha iyo kuwada dibbadda joogaaba diiradda ayay si cad ugu hayn doonaan goobtan. Shaki la’aan, waxaa la odhan karaa in maalin tani ay geli doonto taariikhda. Muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo maskax furan leh wuxuu ku garab taagan yahay Abiib ladagaalanka dulmiga, waxaana aynu lasoo gelbin doonnaa guusha – taas ah oo hubaal ah.
Tani ma aha oo kaliya difaacida hal nin balse waa difaacida sharafta qarankeenna iyo qiyamka aasaaska u ah. Aan si wadajir ah, oo aan ka gabad lahayn u garab istaagno si aan u hubinno in codka shacabka, oo ay ku jiraan wakiilada sida Maxamed Abiib, aan waligood la aamusiin.
Abdi Jama – abdi.jama@gmail.com
25ka Luulyo 2024

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker