Xisbi ka mid ah xisbiyada Puntland oo doorashadii Garoowe sheegay in ‘wax is daba marin’ la sameeyey

Guddiga doorashada ee Puntland ayaa sii daayey natiijada hordhaca ah ee doorashadii golaha deeganaka ee ka dhacday saddex degmo oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Xisbiga Mustaqbal oo ka mida axsaabtii ku tartamaysay goloyasha deegaanka ayaa tabasho ka muujisay tirada ay guddiga doorashada sheegeen inay ka codeeyeen degmada garoowe iyaga oo sheegayin tirada ay guddiga sheegeen mid ka hoosaysaa ay ka codaysay halkaas.

Cabdikaafi Xasan Maxamed oo ah guddoomiye xigeenka Xisbiga Mustaqbal ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey BBC-da ku sheegay in codkaas aad loo buunbuuniyey.

“Waxaana tabanaynaa in codka Garoowe aad loo buunbuuniyey, dadka codeeyey illaa siddeed iyo toban kun iyo siyaado weeye, codka 25-ka kun ah ee la sheegay ma ay codayn. Saddex meeloodow laba meelood ayaan codayn tiradii is diwaangelisay” ayuu sheegay Cabdikaafi Xasan.

Guddoomiye Cabdikaafi, ayaana ku dooday in codka dheeraadka ah loogu daray xisbiga xukuumadda ee Kaah, oo sheegay in toddobadaa kune e dheeraadka ah loogu buuxiyey.

Bbc-du waxa ay isku deyday in ay jawaab ka raadiso guddiga doorooshiyinka Puntland, balse wax jawaab ah kama helin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker