Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaza oo galay maalintii 292aad

Dagaalka lagu hoobtay ee ka sii soconaya Marinka Gaza ayaa galay maalintii 292aad, iyadoo Israel ay Isniintii furin saddexaad oo dagaal ka furtay bariga deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.

Inkastoo dagaalada ay si toos ah uga soconayaan goobo cayiman, haddana Israel ayaa billihii ugu dambeeyay dagaalkeeda xooggiisa u weecisay hawlgalada xagga cirka.

Ciidanka Cirka Israel ayaa wada duqaymo aan kala joogsi lahayn oo har iyo habeenba leh, iyagoo beegsanaya meelaha ay shacabku ku badan yihiin iyo weliba kaabeyaasha rayidka.

Ciidamada Israel ayaa dagaal toos ah kaga jira deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, Khan Yunis iyo qaybo ka mid ah Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay halkaasi kala kulmayaan iska caabin xoog badan, oo ay sameynayaan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, oo ay hormuud u yihiin Xoogaga Xamaas iyo Islamic Jihaad.

Dagaalka ayaa bishii 10aad si xiriir ah uga socda dhulka go’doonsan, iyadoo aysan illaa iyo hadda Ciidamada Israel xaqiijin ujeedooyinkii ay ugu duuleen Marinka Gaza, oo ah burburinta Xamaas, dib u soo celinta Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqon Israel.

Si ka duwan hadafyadii dagaalka ee Israel ayaa waxaa la sheegaya in ciidamadeeda lagaga gacan sarreyo meedaanka dagaalka, marka laga soo taggo duqaymahooda waalida ah ee ay shacabka faraha badan ku dhimanayaan.

Warbaahinta caalamiga ah oo soo xiganeysa khubarada amniga ayaa ku warameysa in Ciidamada Israel ay loodin la’yihiin kooxaha wax iska caabinta.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadan muddadii dagaalku uu socday aysan jirin goob ay toos ah ugu xasileen amaba ugu nagaadeen, ayna marba meel isku qaadayeen, taasna ay ka dhalatay culeyska uu leeyahay iska caabinta ay wajahayaan. Haddii si kale loo dhigo, ma jirto deegaan ku yaala Marinka Gaza oo Ciidamada Israel ay haysteen muddada uu socdo dagaalkan 10-ka bil jirsaday.

Taliska Militariga iyo Madaxda Israel ayaa lagu cambaareeyay in mar kasta oo ciidamadu ay khasaare kala kulmaan dagaal-yahanada Falastiiniyiinta ay amraan in la qaado weeraro lagaga aargudanayo shacabka aan waxba galabsan iyo inay soo saaraan awaamiir ay dadku kaga barakacinayaan guryahooda iyo meelaha kale ee ay gabaadsanayaan.

Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in leynta dadka rayidka ah iyo ciqaab wadareedyada kale ee lagu hayo, sida raashiinka, biyaha, shidaalka iyo dawada loo diidan yahay aysan Israel ku gaarin yoolasheedii dagaalka.

Ururka Xamaas ayaa Israel ku eedeeyay in xasuuqa maatida ay ku qarineyso guuldarrada istiraatiijiyadeed ee ciidamadeeda ka qabsatay dagaalkan.

Israel ayay wararku sheegayaan in ay la yaaban tahay, sida dagaalka sii daba dheeranaya ay uga adkaan la’dahay dagaal-yahanada Falastiiniyiinta, oo aan heleynin taageero militari oo dibadda ah.

Kooxda ka dambeysa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayay u cuntami la’dahay inay qaataan heshiis xabad joojineed, iyada oo aan laga adkaan Xamaas.

Wasiirada xagjirka ah ee metela xisbiga midigta fog ee wax ka soo dhisay xukuumadda wadaagga ee Netanyahu uu hoggaamiyo ayaa ku celiyay digniintooda ah inaanu Hoggaamiyaha Israel qaadan karin heshiis horseedaya in la soo afjaro dagaalka, ka dib markii Netanyahu uu habeenkii Axadda amray in kooxda wada hadalada u qaabilsan ay ku laabtaan miiska wada hadalka.

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich oo ka mid ah Wasiirada ugu mayalka adag ayaa ku goodiyay in xisbigiisu aanu ka sii mid ahaan doonin xukuumadda la wada leeyahay, haddii la joojiyo dagaalkan.

Smotrich ayaa sheegaya in xukuumadda ay la gudboon tahay in ciidamadu ay sii wadaan weerarada ay ku leynayaan shacabka Falastiiniyiinta, isla-markaana aysan wax gargaar ahi u fasixin Marinka Gaza.

Iyadoo dunida oo dhan ay daawaneyso ayay Smotrich iyo Itamar Ben-Gvir, oo ah Wasiirka Amniga ay ka digayaan in la dabciyo xaaladda ciriiriga ah ee ay wajahayaan dadka reer Gaza, haddii kalena ay dumin doonaan xukuumadda. Siyaasiyiintan ay Yahuudnimada madax martay ayaa ku doodaya in wax shacab ahi aysan ku nooleen Marinka Gaza, waxa halkaasi ku noolna ay Xamaas yihiin.

Ka bixitaanka xisbiga midigta fog ee xukuumadda ayaa soo dedejineysa burburka xukuumadda iyo in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, tanina ma ahan mid Netanyahu uu doonayo, kaas oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay sanadka 2026.

Dhanka kale tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza ayaa gaartay 39,145 qof iyo dhaawaca 90,257 kale, kuwaa oo u badan dumar iyo carruur.

Colaaddan ayaa sabab u ah isku dhacyada sii kordhaya ee gobolka ka jira ee u dhaxeeya Israel iyo ururada hubeysan ee ka biyo diidan xasuuqa dadka rayidka ah, sida Xuuthiyiinta Yemen iyo Xisbullah oo fadhisa dalka Lubnaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker