RW Yuhuuda oo khudbad u jeediyay Koongareeska Mareykanka

Ra’isulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo Arbacadi shalay khudbad u jeediyay Koongareeska Mareykanka, ayaa si adag u difaacay dagaalka ay dowalddiisa ka wado Gaza, isaga oo wacad ku maray inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Xamaas, inta uu ka helay guul kama danbeys ah, isla markaana uu soo guryo celinayo la heystayaasha Gaza.

Xamaas ayuu ku eedeeyay sii socoshada dagaalka 10 bil jirsaday ee ay Isra’il ka waddo Gaza. Wuxuu weeraray Iran oo uu ku eedeeyay in ay maalgeliso Xamaas, ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen.

Wuxuu kaloo cambaareeyay dibadbaxayaasha Mareykanka ee mudaaharaadyada ka dhigayay dhawaanahaan xarumaha Jaamacadaha Mareykanka, kuwaas oo uu ku tilmaamay”doqomiin waxtar u yeeshay Iran” isla markaana caawinaya cadawga Israil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker