QAWDHAN IYO DUBBAD OO FOODDA IS DARAY !
QAWDHAN: War maxaa lagu beryey saaka Dubbadoow
DUBBAD: Qawdhanoow belo ma ogine, xaggiina sidee lagu ahaa
QAWDHAN: Dubbadoow belo Jabuuti ka weyn iyo Cumar Geelle saaka ma ogi
DUBBAD: War arrinkii maalintii dhoweyd ina Cali Waraabe iyo safiirka ma wax ka danbeeyaa ina dhex maray?
QAWDHAN: War ninyohoow dee magaalada waad iska joogtaa warba ma haysid.
DUBBAD: War haddaa ma inankii Ina Geelle Arab arrinkiisii baa wax ka soo cusboonaadeen?
QAWDHAN: War ninyohoow shakhsiyaad baad ka hadlaysaa anna xaajo qaran baan kaala hadlyaa, sidee wax kaa yihiin
DUBBAD: Toloow haddaa ma dekeddii Berberay soo faragelisay Jabuuti, waxan saaka dhiigga kugu kiciyey wax yar maahee,
QAWDHAN: War inaadeer Berberdaa iyo waxaasi waa licib saqiire, ninkan ina Cumar Geelle yaa looga dacwoodaa
DUBBAD: War heedhe sidee wax u jiraan, bal noo warran. Ma dhankii Xamar ee uu weligiiba u janjeedhay buu hub inagu siiyey
QAWDHAN: War Xamartaasaaba sahlanaan lahyde, ninkii miyaanad maqal inuu nimankaynu saaxiibka ahayn ee isku hallaynayney ee walaalaheen uu maanta inoo daba maray
DUBBAD: Faan badanaa ma isagaa Imaaraadka cag dhigi kara miyaanad ogayn inay ka dhex taagan tahay oo aanay isuba geli karin.
QAWDHAN: War inaadeer Imaaraadkaa ka hadli maayee, dee adna degdeg baa lagugu imtixaanay.
DUBBAD: Ma Itoobiyuu haddaa tegey weligiba wuu inagu qanjiidhin jirey taase. Ninku waa nin danihiisa eegta’e dekeddaas Berbera ayaa welwel ku haysee.
QAWDHAN: War maahee nin yohoow na dhegeyso..
DUBBAD: Waar bal u kaadi, war ninkii ma Ingiriiskuu aaday, faan badnaa, sawtii la lahaa Ingiriiska nin ragaa u soo baxay oo Yurub iska furfuraya, kaasaabay rajadeennu ku xidhnayd markuu Yurub iska soo furfuree!
QAWDHAN: Waar heedhe inaadeer anigu meelahan aad ku meeraalaysanayso sheegi maayee, waddankii aynu saaxiibtinnimada dheer lahayn ee walaalaheen ee Afrika inoo dhexgeli lahaa baan sheegayaa
DUBBAD: Dee maad saa na tidhahdid, waar ninkaasi hadduu Kenya inoo daba maray waa “xiniinyo taabasho” wallaahay waa iska celinaynaa inaynaan dib oo u danbaysa ugu hamranayn. Oo inankii Fariidka ahaa ee Baashe Moorgan miyaa laga dul tallabsaday. Hadda ogoow Kenya marxuumkii cigaal iyo “marxuumkii Joomo Kiinyaati” iyana saaxiib bay ahaayeenoo abaal weyn baynu ku lahaynoo waa tii NFD Cigaal u saxeexay inay Ardu-Sawaaxil raacdo.
QAWDHAN: War heedhe Kenya weligeenba waa is ag taagnayne irbadna dun inooma geline, waxaan kaala hadlayaa nimankaynu walaalaha ahayn ee berigii dhoweyd madaxweynaheena casuumadda weyn u fidiyey ee sida caalamiga ah u soo dhoweeyey ee ehelu-koobtarka ku qaaday.
DUBBAD: Inaa Lillaah, war heedhe saw adigan sidii dhallaanka u fekeraya, war nin yohoow maanad nin weyn ahayn. Ma NIICDII yarayd ee gaajada ahayd ee Galbeedka Afrika ku taalley ee , waar muxuu ahaa magaceedii awol, war ma Gaanaa la odhan jirey?
QAWDHAN: Waar Gaana ma ahayne Gini Koronkoro ayaa la yidhaa. War horta goormaad adduunka kala baranaysaa, ma saasaad ictiraafka dhankaaga kaga raadinaysey.
DUBBAD: War ma niicdaasaad saaka nala soo aadday. War taasi iyadaa gaajo u bakhtiyaysa. Wallaahay ina Cumar Geellaanba u baqayaa inay shaxaad nafta kaga gooyaan. Waryaadhaheen war inanka ina Cumar Geelle xidid baynu nahaye cabashadan faraha badan iyo eedayntan aynu kala xishoonno. War bal nabad gelyo telefoonkaa dhacayaan ka jawabayaaye. Niicdaas oo kalaa wax inala qabanaysa maalin danbe hanala soo raadsan iyo yamyam iyo qadaadweyn toonna. War innagay doonaysaa inay “XAQUL-QALIM” inaga qaadato oo tidhaahdo citiraaf baan idin la raadinayaa!
Mohamoud Ibrahim (Xaaji)