Booliska Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay nin jirkiisa dooriyay

Laamaha amniga ayaa caawa soo bandhigay muuqaalka nin ku eedeysan in uu jirkiisa dooriyay, isla-markaana isu ekeysiiyay qof dumar ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Suudi Macow ayay Ciidanka Booliska ka soo xireen Degmada Xamar Weyne, kaas oo hadda ay hay’adaha ammaanka baaritaan ku wadaan.

“Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Degmada Xamar Weyne ayaa soo xiray eedeysane Axmed Suudi Macow Deeyow 30 jir ah, kaas oo ku eedeysan in uu ku kacay falal liddi ku ah dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, sidoo kalena dooriyay jirkiisa.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Taliska ayaa qoraalkooda ku sheegay in ninkan ay ku socoto baarista booliska, lana horkeeni doono maxkamadda awoodda u leh kiiskiisa.

Booliska ayaa baahiyay sawir uu ka soo muuqday Axmed Suudi Macow, isagoo xiran dirac baati ah, timaha la baxay, wax u eg horaadana sameystay.

Dhacdadan ayaa hadalhayn ka dhalisay barraha bulshada, gaar ahaan shabakadda bulshada ku wada xiriirto ee Facebook.

Waa wax naadir ah in hay’adaha ammaanka ay meel ka mid ah dalka ka soo qabtaan nin sidaan oo kale isu dooriyay, inkastoo mararka qaarkood ay ciidamadu gacanta ku soo dhigaan rag xiran dharka haweenka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker