Xuuthiyiinta Yemen oo ku hanjabay in Israel ay la kulmi doonto jawaab u dhiganta dhulgariir

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inay la socdaan in Mareykanka iyo Ingiriiska ay isku dayayaan in ay ka hortaggaan hawlgaladooda militari ee ka dhanka ah Israel, ha yeeshee aysan taasi caawin doonin Israel.

Ali Al Qahoum oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarada ay kaga aargudanayaan duqaymihii Israel ka gaysatay Magaalada Hudaydah ay noqon doonaan wax argagax-geliya Israel.

Ali Al Qahoum ayaa sheegay in jawaabtooda ay noqon doonto mid aan waqti dheer qaadan doonin, isla-markaana ay falcelintooda noqon doonto mid joogto ah.

Sarkaalkan ayaa ku hanjabay in Israel ay maalmaha soo socda wajihi doonto xaalado aanay ebid la kulmin, sida uu yiri.

Sarkaalkan oo ay soo xigatay Warbaahinta Ruushka ee Sputnik ayaa sheegay in dhulka laga haysto shacabka Falastiiniyiinta ay ka mid noqon doonaan bartilmaameedyada militari ee Ciidamada Yemen.

“Maalmaha soo socda waxay noqon doonaan kuwo la yaab leh, iyada oo bartilmaameedyadu ay gaari doonaan meelo badan oo ka mid ah dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.” Ayuu yiri Sarkaalka ka tirsan Xuuthiyiinta Yemen.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay inaanan laga baaqsan karin tallaabooyin xoog leh oo burburin ah, lagagana jawaabayo xadgudubka ay Israel ku soo sameysay sida uu sheegay dhulka Yemen.

Ali Al Qahoum ayaa sheegaya in Mareykanka iyo Ingiriiska aanay Israel ka difaaci doonin sida uu yir jawaab u dhiganta dhulgariir oo ku soo fool leh, isaga oo carabka ku adkeeyay in Israel ay la kulmi doonto jawaab dhulgariir ah.

Waxa uu intaasi ku daray in gurmadka ay samayn doonaan Washington iyo London aysan noqon doonin wax ku filan Israel.

Al Qahoum ayaa ammaanay doorka Yemen ee is bedelka miisaanka awoodda iyo xaqiijinta guusha.

“Yemen waxay muhiim u tahay saaxada dagaalkan, waxayna awood u leedahay inay bedesho dheelitirka awoodda gobolka.” Ayuu yiri Al Qahoum.

Xuuthiyiinta ayaa si weyn uga carooday weerarka ay Israel Sabtidii ku qaadday Dekedda Hudaydah, oo ay ku dhinteen lix qof, in ka badan 80 kalena ay ku dhaawacantay.

Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuuthiyiinta, Mahdi Al Mashat ayaa wacad ku maray inaanan laga gudbi doonin dhiigga shacabka Yemen ee la daadiyay, iyada oo aan jawaab wax ku ool ah laga bixin.

Israel iyo xulafadeeda reer galbeedka waxay arkaan in dhibaato weyn ka soo fool leedahay Xuuthiyiinta, taas oo walaac dhanka amniga ah ku haysa Israel.

Tan iyo markii diyaaradaha dagaalka Israel ay garaaceen Dekedda Hudaydah ayaa la sheegay in shacabka Israel ay noqdeen kuwo wadnaha farta ku haya.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa Jimcihii weerar drone loo adeegsaday ku qaaday Magaalada Tel Aviv, taas oo dadka tusisay in Xuuthiyiinta ay soo gaari karaan magaalada ugu weyn ee Israel, amnigeedana sida aadka ahi loo ilaaliyo.

Hanjabaadahan ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa xoojineysa baqdintii ay maalmihii ugu dambeysay la noolaayeen Israeliyiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker