Xubin sare oo ka tirsan AS oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka
Ciidamada Xoogga dalka eek u sugan Buulomareer ayaa soo bandhigay dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda ee halkaasi ku sugan.
Dagaalamaha ayaa Magaciisa lagu sheegay Cabdi Maxamed Caraaye, waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen in muddo 14 sano ah uu ka tirsanaa dagaalaamayasha AS.
Sawirada iyo Xogta dagaalaamaha ayaa lagu baahiyay warbaahinta dowladda, waxaana magaciisa gudaha AS looga yaqaanay lagu sheegay Cabdi Rashiid.
Waxaana dagaalamaayaasha AS uu u qaabalisanaa qaadista Lacagaha sida lagu sheegay qoraalka, isagoo muddo dheer ka howlgalaayy Gobolka Shabeellada hoose.