Somaliland oo isku furtay wadahadalka gudaha ee shirkadaha Telesom iyo Somtel
Waxaa maanta laga bilaabo la isu furay wadahadalka gudaha ee shirkadaha isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee Telesom iyo Somtel, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta Somaliland.
Shirkadaha isgaarsiinta oo ku dhawaad dhawr iyo tobankii sano ee u danbeeyey si wada jir ah uga shaqaynayey gudaha Somaliland ayaa haddana waxaa caqabadi ka taagnayd wicitaanka dhexdooda ah.