Dhacdooyin naxdin leh oo laga soo sheegayo Suudaan
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF, ayaa lagu faah faahiyay rabshado naxdin leh oo ka dhashay iskahorimaadyada sokeeye ee ka socda Suudaan, oo ay ku jiraan weerarro soo noqnoqday oo lagu qaaday isbitaallo iyo xarumo caafimaad.
MSF oo ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamiga ah ee ka howlgala guud ahaan dalka Suudaan ayaa sheegtay in dad rayid ah oo ay ku jiraan caruur loo geysto qaraxyo iyo barakicin.
Kooxaha hay’adda ee daawaynaya kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada ee xeryaha qaxootiga ayaa sheegay in ay kufsi u gaystaan dadka kuwa dagaallamaya.
Warbixinta ayaa la daabacay ka dib wadahadalo aan toos ahayn oo ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay -oo Geneva ku dhex maray dhinacyada isku haya Suudaan, halkaas oo aan wax horumar ah laga gaarin. Sudan waxa ay noqotay dhibaatada barakaca ee ugu weyn aduunka iyada oo kow iyo toban milyan oo qof lagu qasbay in ay qaxaan