Hoggaanka KULMIYE oo soo Dhaweeyey Xildhibaanno Xisbiga la Midoobay
Hoggaanka xisbiga KULMIYE ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qaabilay saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo ku soo biiray xisbiga.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee xisbiga – Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheeere), Wasiirkii hore Tiknoolajiyadda Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi iyo masuuliyiin kale, ayaa ku soo dhaweeyey xarunta dhexe ee xisbiga saddexdan xildhibaan oo kala; Md. Cali Muxumed Xasan, Eng. Cabdinaasir Haaruun Habbane iyo Eng. Maxamed Dayib Cabdillaahi, kuwaas oo hore uga tirsanaa xisbiyada mucaaradka, balse hadda ku soo biiray xisbal-xaakimka, kadib markii wadahadal dhexmaray madaxda xisbiga.
Dhanka xildhibaannada waxa wehelinayey Maayarka Degmada Gabiley Mudane Maxamed-aamiin Cumar Cabdi iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Nuur Abokor oo isna ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley.