Dugsiyadda iyo Jaamacaddaha Mustaqbalka “Hybrid School and Hybrid University”

inta taariikhda lagu garanaayo erayada waxbarasho,isgool iyo waxbarid waxaan u  addeegsan jirney meel isku mid ah ,haddase inta xaaladda safmarkan faafey lagu jiro saddexdaasi aan kor ku sheegney waxa ay yesheen fikraddo iyo aragtiyo cussub oo hor leh.Isgoolad iyo Dugsiyadu iyo Jaamacadduba Mustaqbalka wey is beddelayaan,waxaana soo baxaaya “Hybrid Schools“isgoolada wejiyada kala duwan leh, iyo “Hybrid University”.Dhismaha Fasalka ee Jaajuurka la wareejiyey ka sameysnaa haddii uu waayaha qaar ahaa barta loogu jecel yahay waxbarshadda wuxuu noqon doonnaa wax isbeddel ku dhaco iskuna soo uruura,maxaa yeellay maanta ardeyda iyo macallimiintu waxa ay isku heli karaan kuna wada socon karaan habab badan oo ka duwan kii horre,taasi oo ay suurtagelineyso tiknolojiyaddu,arintaasi oo mustaqbalka sababi karta in aan dugsiyadaba la aadin.sida guryaha loogu shaqeeyo,shaqadii xafiiskana loogu rarey,ayaa qeybo badan oo waxabarashada ahna guriga loogu rarayaa loogana dhigan doona iyada oo la joogo”Home Schooling”.

Dugsiyada loo yaqaano “Hybrid School” waa kuwo si isku mid ah u meel marinaaya ugana korinaaya ardeygeena waxbarashadii dhaqamiga aheyd ee fasalka,sabuurada,xiisada iyo macallinka iyo mida masaafada fog ama (Online) ka ah, taasi oo uu labadiiba ardeygu si siman  wax ugu dhiganayo casharadana ku hellayo, Dhanka kale “Hybrid University”,waa nidaam waxbarasho oo dhanka Jaamacaddaha ah baddi waxabarashaddana la dhex marinaayo Tiknolojiyadda iyada oo Koolajka iyo Jaamacaddana la tagaayo.

wax socda oo aan halkiisi horre joogin isna bed-bedelaaya ayaa ereyga “Hybrid” uu tilmaamayaa,waa erey loo addeegsanaayo nidaam isbeddel oo waxbarashada si xawli ah ugu socda,waa nidaam xor ah oo si balaadhan u hawlgelaaya,waa hawl fuddudeyn waxbarasho oo macallinku si dheeraad ah ardeyda ugula xidhiidhaayo,waa waayo aragnimo iyo aqoon cussub oo ardeyga si isku mid ah ugu soo wada kordheysa una korineysa,nidaamka ayaa wuxuu ardeyga iyo macallinkaba baraa “blended instruction ” iyo “Blended curriculum” casharo/manhaj leexsan iyo waxbarasho isku dhafan ama isku qasan.

 

Isbeddelka tiknolojiyadda iyo mushiinaduse  maaha kuwa mustaqbalka  gudbin kara qofnimadii macallinka laga baranaayey,sidii uu nolosha ardeyga u kaalin gelinaayey,dhaqan barashadii wanaagsaneyd,anshaxii,niyad dhiskii,qiimeyntii iyo xirfadihii nolosha ee laga dhex baranaayey inta xiisadu socoto,Maalmaha isbedelayaa ee sida Mawjada nidaamka waxabarashada somaliland wakhtigani hayaana in lagaga jawaabo “Hybrid” ayey rabaan.Laababka iyo Qalabaduna wey innagu yar yihiin,Mustaqbalka waxbarashada somaliland Miiska Ayuu saaran yahay hadda “(Universities/Schooling of future).

 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker