Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo Xafiiskiisa ku qaabiley Kuxigeenka Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada-midoobey,
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley Kuxigeenka Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada-midoobey, George Conway, kulankan ayaa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah ay mid ahaayeen wada shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada midoobey, nabadgelyada iyo mashaariicda horuumarineed, sida mashruuca Maamulka Daadejinta ee JPLG.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Wakiilka warbixin ka siiyey nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ah mid adag, sidoo kale Wasiirka ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada-midoobey walaaca Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ka qabto hubka sharci-darradda ah ee ku qulqulaya Soomaliya, kaasoo maalmihii u danbeeyey hubkii ugu badnaa ee sharci-darro ahi uu gacanta u galay Qabaa’il iyo Maleeshaad Soomaliya, arrintaasoo khatar gelinaysa xasilloonida iyo nabad-gelyada Gobolka Geeska Afrika. Dhinaca kale Wasiirka ayaa la wadaagay masuuliyiinta Qaramada-midoobey Muhiimadda uu Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Itoobiya uu leeyahay heshiishkii is-afgarad ee ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaare Dalka Itoobiya.
Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfaham iyadoo Wasiirka ay kulankan ku wehelinayeen Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Amniga Mubaarik Axmed Cali.