Maxaa Ka Jira In Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Wasiirka Deegaanka Shugri Baandare Isku Af Dhaafeen Qadiyadda Kornayl Caare Madal Madaxweynuhu Fadhiyay?
Warar lagu kalsoon yahay ayaa daaha ka rogay in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiiradda Deegaanka Somaliland ay isku khilaafeen Qadiyadda Kornayl Caare.
Wasiiraddan oo sida warkani nagu soo gaadhay ku kulmay madal uu Madaxweyne Biixi fadhiyay oo lagu soo hadal qaaday, islamarkaana lagu lafa gurayay Arinta Jabhadda Kornayl Caare ayaa hadalo kulul iskugu jawaabay kuwaasi oo dareenkii fadhiga wax ka badelay.
Xogaha ayaa sheegay in Marka hore uu Wasiir Maxamed kaahin oo ka hadlayay Jabhadda Kornayl Caare uu Caare ku tilmaamay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Dawladda Soomaaliya ee Farmaajo islamarkaana uu Halkaasi kasoo dab iyo Mushahar qaato, arintaasi oo uu ku soo daray hadal guud oo uu madasha ka jeediyay.
Waxa arintaasi si gaar ah uga cadhootay oo islamarkiiba sida warkani nagu soo gaadhay ka jawaabtay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Ismaaciil Baandare oo ay isku deegaanka kasoo wada jeedaan Kornayl Caare. Waxay ka difaacday Caare arinta Wasiir kaahin, Waxaana ay sheeegtay inaanay waxaasi waxba ka jirin ee uu Caare yahay nin muwaadin ah oo Somaliland jecel oo duday oo cabanaya islamarkaana cadaalad daro tirsanaya, noocay doonto hanoqotee, waxaanay meel adag ka istaagtay inaan arinta sidaasi loo dhigin iyadoo ka digtay dooda Wasiir Maxamed Kaahin inay fidmo kale sii abuurto.
Wararka ayaa sheegaya in madashaasi buuq iyo qaylo isku badeshay islamarkaana ay wasiiradda goobta fadhiyay qaab deegaan ula kala safteen Labada Wasiir ee haddalku ka taag taagmay.