Nin burcad ahaan jiray ayaa loo magacaabay wasiirka isboortiga Koonfur Afrika

Gayton Kckenzie waxa uu ahaa burcad hore u soo dhacay bangi kaddibna noqoday milkiile caweys. Siyaasigan mucaaradka ahaa ayaa noqday wasiirka isboortiga Koonfur Afrika.

Madaxweyne Cyril Rampahosa ayaa u magacaabay Mr McKenzie oo ah hoggaamiyaha xisbiga isbahaysiga wadaniga (PA) in uu noqda wasiir.

50 jirkan ayaa ku faraxsanaa xilka loo magacaabay isagoo soo bandhigay sawir uu xiran yahay kabaha kubbadda lagu ciyaaro.

Mr McKenzie waxa uu bangigii ugu horeeyay dhacay inta uusan gaarin 16, kaddib waxa uu wareysi siiyay raadiyo. Toddobo sano ayaa la xiray waxa uuna ballanqaaday in uu isbeddelayo markii la soo daayay.

Wuxuu daabacay buugaaga badan, waxa uuna noqday hadal-jeediya dadka dhiirogeliya oo lacag badan ku qaata.

Hadda waa siyaasi aad loo yaqaan. Sanadkii 2013-kii ayuu sameeyay xisbiga AP. Toban sano kaddib xisbiga waxa uu ku guuleystay 2 boqolkiiba cododka dalka oo dhan, waxaa uuna ku fiicnaa galbeedka Cape.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker