Shiinaha oo doon Taiwan laga leeyahay ku qabtay ‘kalluumaysi sharci darro ah’

Shiinaha ayaa sheegay in ay qabteen doonni laga leeyahay dalka Taiwan, oo ay saarnaayeen shan shaqaale ah, kadib markii ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen badda Shiinaha habeenkii Talaadada.

Taiwan ayaa ka codsatay Shiinaha in la sii daayo doontaas – iyo raggaas saarnaa, oo kala ahaa laba Taiwanese ah iyo saddex Indonesian ah – oo lagu hayo dekedda Weitou, oo ku taal koonfur-bari.

Saraakiisha Taiwan ayaa BBC-da u xaqiijiyay in doonida lagu qabtay gudaha badda Shiinaha, oo qiyaastii 2.8 nautical miles (5.1km) u jirta xeebteeda.

Waxa kale oo ay shaqaynaysay intii lagu jiray mamnuucista kalluumaysiga wakhtiga xagaaga ee Shiinaha ee May ilaa Agoosto.

Labada dhinaca ayaa kolkii hore isu dabacsanaa marka ay timaaddo dhanka kalluumaysiga iyo khayraadka badda, waxaa se hadda muuqata in Shiinuhu qaatay isbeddel cusub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker