Isbuursi ka dhacay Hindiya oo ay ku dhinteen 116 qof

Ugu yaraan 116 qof oo u badnaa dumar iyo carruur ayaa la xaqiijiyay in ay Talaaddi ku dhinteen isbuursi ka dhacay goob uu ka socday isu soo bax diimeed oo ay isugu tageen dadka Hinduuga, ee waqooyiga Hindiya.

Dhacdadaan ayaa lagu sheegay mid ka mid ah tii ugu dhimashada badneyd oo nooceeda oo kale ah oo sannadahaan danbe ka dhacda dalka Indiya, sida ay sheegeen saraakiisha.

Isbuursiga ayaa ka dhacay tuulada Hathras ee gobolka Utter Pradesh, oo qiyaastii 200 km dhanka koofurbari uga beegan magaalada caasimadda ah ee New Delhi, halkaas oo ay saraakiishu sheegeen inay isugu tageen kumannaan qof, xilli heer kulka uu aad u sarreeyay.

Masiibada ayaa billaabatay waxyar kaddib marki dad badan oo mintidiin hinduus ah ay is curjiyeen oo ay is riix-xiixeen si ay u taabtaan wadaad ka mid ah wadaadda diinta Hinduuga. Sidaasi waxaa sheegay wasiiru-dowlaha Uttar Pradesh, Yogi Adityanath.

Booliska Hindiya ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker