Jabuuti oo ka jawaabtay eedayntii ‘jabhadda’ ee ugu timid Somaliland

Dawladda Jabbuuti ayaa ka jawaabtay eedayn ugu timid Somaliland, taas oo ku aaddnayd in ‘jabhad ka dhan ah Somaliland lagaga dhawaaqay dalkaas”

Jabbuuti ayaa warkaas ku tilmaantay mid aan wax ba ka jirin.

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Jabbuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh, oo barta hore loo odhan jirey Twitter ee X, farriin ku qoray ayaa sheegay in ay ka xun yihiin “eedaha beenta ah ee aan waxba ka jirin ee uga imanaya Somaliland’ sida uu bartaas ku baahiyey.

Wasiir Ilyaas ayaa ku dooday in “Jabuuti ay tahay meel wada jir iyo is-dhexgalka gobolka u taagan. Isku xidhena u ah nabadda & xasiloonida Gobolka.”

Waxa kale oo uu sheegay in aanay dhex gelin arrimaha gudaha ee cid kale.

Wasiir Ilyaas ayaa sida oo kale xusay in ‘maskaxda lagu hayo sida oo kale in hore loogu eedeeyey in Soomaaliland ay ka taageereen dagaalkii Gobolka SSC’ sida uu hadalka u dhigay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker