Somaliya iyo Itoobiya oo maanta wada hadal ku leh dalka Turkiga

Somaliya iyo Itoobiya ayaa maanta dalka Turkiga ku yeelanaya wada hadalkoodii ugu horreyay, tan iyo intii ay labada dal soo kala dhex gashay xiisadda aadka u sarreyo ee ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiskan oo ay gaareen Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Itoobiya u ogolanayo in laga kireeyo marin badeed, iyadoona uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay mid sharci darro ah, dowladdiisuna aysan marnaba aqbali doonin.

Somaliya ayaa Axaddii Caasimadda Ankara u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macalin Fiqi, waxaana kaga sii horreyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Taye Atske Selassie.

Inkastoo Somaliya ay horaan ka biyo diiday inay wada hadal la furto Itoobiya, illaa iyo inta ay ka laabaneyso heshiiskaasi is afgaradka ah ayaa waxaa soo baxaya wararka sheegaya in Turkiga uu ku qanciyay inay si toos ah ula fariisato Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in Addis Ababa ay Ankara ka codsatay in lala hadashiiyo Muqdisho, si loo dhammeeyo khilaafka siyaasadeed ee labada dal.

Somaliya oo Turkiga u aragto saaxiib muhiim ah ayaa aqbashay in khilaafkooda xalkiisa lagu dayo miiska wada hadalka, walow ay ku adkeysaneyso inaanu waxba iska bedelin mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Inkastoo aan la sheegin ajandeyaasha lagaga hadlayo kulanka halka maalin socon doono ayaa waxaa haddana muuqata in diiradda lagu saarayo dejinta xiisaddan, sida weyn looga dareemay Geeska Afrika.

Turkiga ayaa u istaagay xal u helidda xiisadda ay ku kala fogaadeen madaxda labada dowladood, si loo soo celiyo xiriirkoodii.

Dalalka deriska ayaa horey isugu dayay dadaalo ay ku doonayeen in ay isugu soo dhaweeyaan labada dal, ha yeeshee aan wax horumar ah laga samayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker