Madaxweyne Muuse Ma arko miyaa in Womens Clubkii ay Marwadu ku khaatumo xumaysatey

Ganacsade Ismaaciil Muuse, oo ah mulkiilaha dhisamaha Huteelka Madaarka ka socda, waxay xukumadda Kulmiye ka qaaday lacag badan, oo qayb ka ahyd tii uu Muuse olalahii doorashada ku galay. Waxaynu ognahay in Warshadda shirkada Cummaaniga, oo khatar caafimaad ku haysa dadka deegaanka ay dhex degan tahay Madaarka. Waxaynu ognahay in dhammaan dhulkii uu Kulmiye iibiyey, oo badi laga iibiyey beellaha Kulmiye aanu Muuse kadaba tagin. Waxaynu ognahay in Womens Clubkii ay Marwadu ku khaatumo xumaysatey.

 

Doraad ayaa isagoo Biixi, dheeldheelaya, oo is jajabinaaya is barbar dhigay dhisamaha Oday Ismaaciil iyo guriga Khayriyada, oo DHH ka kiraysay wiil uu adeer u yahay, waa sidda uu saxaafadda ka sheegee. Bal hadda adyaddaa
iyo is waalkaa eega!! guriga Khayriyadu waa la kireeyay ee lagama iibin, si sharci ahna loom siin, oo mulkiyaddiisa lamuu warreegin.

 

Waxaa is waydiin muddan sababta xukumadda Kulmiye u raad gurayso baloodh baloodhkii laga iibiyey ganacsatada beesha Ciidagale; iyadoo dalkii dhammaan beellaha Jeegaan laga xaraashay. Waxaynu ogeyn wixii ka dhacay dhismahii tiyaatarka. Arrinta dhulka Madaarku waa halkii Muuse ka bilaabi lahaa wixiisii xilka lahaa iyo dagaal sokeeye. Madaxweyne haddii aad faraha ka qaadiweydo dhisamaha Ismaaciil Muuse, hubbaal balaayada aad toosinaysaa wey ku taaban doontaa, ee hore ugu soco.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker