Afrobeats: Nooc faneedkan Afrika ka yimi oo dunida reer Galbeedka wacdaro ka dhigaya

Fiidnimadii Axadda, fannaanka reer Nigera ee ku caan baxay Burna Boy ayaa cammirtay bandhigga caanka ah ee ka dhaca UK ee lagu magacaabo Glastonbury.

Burna Boy, oo muddooyinkii danbe aad caan uga baaxay masraxyada fanka ee UK iyo guud ahaan caalamkaba ayaa ay tahay markiiisii u horreysay ee uu madashan taariikhiga ah ka qaybgalo.

Glastonbury, waa madal bandhigeed shan cisho socota oo ka dhacda magaalada Somerset, waana mid ka mid bandhigyada ugu taariikhda weyn adduunka, hadduusan ahayn kan ugu weyn.

Nooc faneedkan ka soo bilaabmay Nigeria iyo Ghana, ee loo yaqaan ‘Afrobeats’ ayaa min laga soo bilaabo galbeedka Afrika illaa daafaha adduunka ka dhigaya wacdaro la taaban karo, iyada fannaaniinta u heesta habkan ay hadda u muuqdaan in ay heleen aqoonsi caalami ah oo fankooda ah.

Rema, Ayra Star, Burna Boy, Wizkid iyo fannaanta kale ee la mid ah ayaa wacdarahaas horkacaya.

Barnaamijka miyuusigga ee loo yaqaan Spotify, ayaa kor u kacay 1,200% tan iyo 2017.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker