Xuutiyiinta oo weeraray markab kale

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas, kaasoo sida ay sheegtay hey’ad arrimaha badaha ka shaqeeysa, ka badbaaday shan gantaal oo lala beegsaday.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab oo marayay badda Mediterranean-ka.
Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradooda ay ku qaadayaan marinnada maraakiibta ay ku garab taaganyihiin kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Israel.

Yahya Saree oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Yemen ku sheegay in kooxdan ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka Delonix oo ah nooca shidaalka qaada. Gantaalana ay la heleen.

​Si kastaba ha ahaatee, Hey’adda Kormeerka Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay goor hore oo shalay ah in markabka oo lagu bartilmaameedsaday meel 172 mile waqooyi-galbeed ka xigta dekedda Xudeydah ee dalka Yemen, uusan soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray weerarka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker