Maxkamadda ICC oo maanta la filayo inay shaaciso go’aanka kiiska nin horey uga tirsanaa Islaamiyiinta Mali

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee Hague, ayaa maanta oo Arbaco ah, la filayaa in ay ku dhawaaqdo go’aanka kiiska nin horey uga tirsanaa kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalka Mali, kaas oo lagu eedeyay in boqollaal haween ah uu adoonsaday isla markaana uu ku qasbay galmo.

Dambiyada ninkaan lagu eedeeyay ayaa la sheegay in ay ka dhaceen magaalada qadiimiga ah ee Timbuktu kadib markii sanadkii 2012 ay qabsadeen kooxda Ansar Dine oo xiriir la leh Al-Qaacidda.

Al -Xasan Ag Cabdul Casiis Ag Maxamed, ayaa sidoo kale lagu eedeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadatinimada iyo kuwa dagaal.

Kiiska lagu dacweeyay ninkaan waxaa ka qayb qaatay in ka badan sided boqol oo dhibanayaal ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker