Kuuriyada Waqooyi oo ku guul-darreysatay tijaabo gantaal

Gantaal nuuca riddada dheer oo ay Kuuriyada Woqooyi tijaabisay ayeey u badan tahay in tijaabada ay ku guuldareeysatay, sidaasi waxa sheegay militariga Kuuriyada Koonfureed.

Arrintan aya imaneysa maalmo kadib markii dhowaan markab kuwa diyaaradaha xambaara ah oo uu Mareykanka leeyahay uu tegay gobolka si uu dhoolatus cusub oo military uu ula sameeyo Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Taliska guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ballistic ah ka soo tuurtay caasimada loo ganay dhanka biyaha bari ee Waqooyiga Kuuriya, balse looga shakiyay in uu ku dhamaaday fashil.

Isla markiiba ma aysan sharaxin sababta Kuuriyada Koonfureed u aaminsan tahay in gantaalka Kuuriyada Waqooyi uu fashilmay. Wasaaradda Difaaca ee Japan ayaa sheegtay in ay sidoo kale ogaatay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday gantaalka ballistiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker