Israa’iil oo duqeyn ku dishay xubno ka tirsan qoyska madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah

Madaxa siyaasadda ururka Xamaas ee reer Falastiin Ismaaciil Haniyah ayaa ayaa sheegay in gabar walaashiis ah iyo xubno kale oo qoyskiisa ka tirsan oo gaaraya ilaa 11 qof lagu dilay duqeyn diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysteen galbeedka Qasa.

Wuxuu sheegay in falkaani aanu wax ka badeli doonin mowqifka dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo iska caabinta ay ku jiraan.Haniyeh waxa uu intaasi ku daray “Dhiiga meydadka ayaa ku qasbaya inay ku sii socdaan wadadooda oo aanay tanaasulin, raaligelin, daciifin, ama niyad jabin”.

Waxa uu sheegay inay weli ku adkeysanayaan mowqifkooda ah inay diidan yihiin heshiis kasta oo aan dammaanad qaadi karin xabad-joojin iyo in la soo afjaro waxa uu ku tilmaamay gardarada, isagoo carabka ku adkeeyay in mawqifka dhaqdhaqaaqa uusan isbedeli doonin marxalad kasta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker