“ Madaxweyne shaydaanka iska naar …” Xoghayha Guud ee xisbiga Waddani

Xoghayha Guud ee xisbiga Waddani ayaa qoraal uu ku baahiyaay Facebook waxa uu kaga jawaabay khudbadii uu madaxweynaha Somaliland jeediyaay.

“ 26 June, Somaliland waxa ay u tahay maalin farxad iyo mahadnaq Eebe oo gobannimada ay inoo weheliso, in aynnu noqonnay carri Soomaaliyeed kii ugu horreeyey ee gumaystuhu ka hulleelo.

Xalay oo kale, dhegaha dadku waxay sugayeen bishaaradii aqoonsiga ee dhawaqeeda lagaa dhowrayey. Yaaba filayey, cadhadii ay maalmahanba reer KULMIYE la meehanaabayeen inay qasriga ka soo fusho. Madaxweyne Shaydaanka naar oo waxqabad aad ku faantaa haddaanu jirin, si kale dadka codka uga bari.

Doorashada fulinteeda iyo hawlaheeda sharcigu Komishankuu ku ogyahay, adiga iyo Cirro masaafad isku mid ah ayaad u taagantihiin taladeeda “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker