GARTAADA INTAANAD GEEDKA IMIN WAA LA SII GARNAQSADAA

Bishii january 8/2018 ayey ahayd xilligii dagaalku ka qarxay Somaliland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Maamulka Puntland, haddii wada hadal dhexmaro Somaliland, Dawladda federaalka iyo Maamulka puntland oo isku dhinac ah, Soomaaliya waxay ku doodaysaa Somaliland waaa maamul hoos yimaada dawladda federaalka Soomaaliya, puntland waxay maamulkeeda u aqoonsantahay beelaha ay isku hayb yihiin sida warsangeli iyo dhulbahante in deegaamadaasi ay hoos yimaadaan puntland, puntland doodeedu mid Sharciya maaha, oo Caalamka kamay dhicin, kamana dhacayso in wadan leh xuduudo caalamiya ay beel ay xuduud wadaagaan oo ay isku hayb yihiin beelo Wadan kale Sharciga Caalamiga ee Xuduudaha marka la eego ka tirsan Tusaale ahaan Kililka Shanaad ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa degan beelo Soomaali ah oo ay beelona ay hayb ahaan wadaagaan beelaha reer Somaliland wax caqliga gelayana noqon mayso Waxaanu isku hayb nahay Somaliland haddii aanu nahay Dhulbahante, Isaaq, Samaroon iyo Ciise, oo waxaanu maamul ahaan hoos imanaynaa Somaliland waa waxaan caqliga gelayn, haddii Somalida degta wadanka kenya iyo Soomaalida Itoobiya oo ay yidhaahdaan waxaanu hayb ahaan wadaagnaa Soomaalida Soomaaliya oo waxaanu maamul ahaan hoos imanaynaa Soomaaliya oo waxaanu hayb ahaan wadaagnaa Soomaaliya doodaasi waa dood aan caqliga gelayn, Soomaaliyana waxay taagan tahay 1960 ayaanu Midoownay oo ma hayaan midoowgaas heshiis Sharciya oo aan weligood lagu kala go’i doonin, Somaliland waxay taagan tahay oo ay Sharci u haysataa 26/June/1960 inay Somaliland ahayd Jamhuuriyad Xornimadda ka qaadatay Wadanka Ingiriiska oo Somaliland ay aqoonsadeen 38 dawladood, kuna biireen Soomaaliyaddii Talyaaniga Xornimadda ka qaadatay 1/julay/1960, Colaadaas ka soo cusboonaatay Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland waxaa lagu badbaadin karaa inaan dhiig dambe quban oo xaaladdu aanay ka sii darin Maamulka Puntland oo Ciidamadooda kala baxa Somaliland, kuna Eekaada Xuduudihii Caalamiga ahaa ee uu dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya wakhtigii labada wadan xornimadda ka kala qaateen dawladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga, Haddii Talaabadaas geesinimadda ah ay ku dhiiradaan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland waxay noqonaysaa talaabo wanaagsan oo dhinaca nabadda loo qaaday, balse haddii dawladda federaalku ku adkaysato Somaliland waa Maamul hoos yimaada Soomaaliya, Maamul Goboleedka Puntland ay ku adkaystaan beelaha aanu hayb ahaan wadaagno ee Somaliland degan sida Warsangeli iyo Dhulbahante waxay ka tirsan yihiin oo ay hoos yimaadaan Maamulka Puntland, waxaad moodaa in colaad ka xun Dagaaladdii dhexmaray Jabhaddii SNM iyo Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre mid ka xun uu dagaalkaasi keeni doono dhimasho aad u badan, dhaawacyo badan , Khasaare aad u badan, iyo barakac ama qax fara badan oo ku yimaada deegaamada lagu muransan yahay iyo Magaalooyinka Xuduudka Somaliland u dhoow sida Boosaaso, Qardho iyo Garoowe.

QALINKII SAXAFI MADAX BANAAN QORAA AHNA MURASHAXA GOLAHA WAKIILADDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND AXMED-SAKATUURI AADAM CADHOOD HARGEISA SOMALILAND REP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker