Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda Somaliland Oo Ka Hadashay Shaqaale Lagu Qaaday Talaabooyin Anshax Marin Ah.

Agaasimaha guud Hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) ayaa ka hadlay shaqaale ku kacay falal lidi ku ah shaqada hay’adaas, kuwaas oo ay talaabooyin anshax marin ah ka qaadeen.

Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) agaasimaha guud Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somalialnd oo u waramaayay warbaahinta dawlada ayaa sheegay in aanay jirin wax shaqaale ah oo laga eryey hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland, balse qaar ka mida shaqaalaha hay’addaasi ay sameeyeen arrimo aan ku haboonayn shaqada, iyadoo shaqalahaasna anshax marin looga dhigay in la kala badalo.

Ugu dambayn agaasime Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), waxa uu intaas ku daray in aanay waxba ka jirin warar uu warbaahinta u sheegay mid ka mida xildhibaanad golaha baarlamaanka dalka, waxaanuu intaas ku daray in Hay’adda duulista iyo madaarada Somalialnd in hay’adaasi tahay mid muhiimad wayn u leh ammaanka dalka, maadaama oo ay tahay hay’adda maamusha madaarada dalka oo ah muraayada dalka laga dheehan karo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker