Rajadii Arsenal & Man United Ee Kaalmaha Sare Oo God Dheer Ku Dhacday, Man City Oo Koobka La Baxsanaysa Iyo Liverpool Oo Laba Kooxood Rajo Ka Qabta.

Waxaa la soo gaba gabeeyay kulamadii 35 aad ee xili ciyaareedka premier league waxaana hadhsan saddex kulan oo kaliya kuwaas oo si rasmi ah loogu go’aamin doono kooxda koobka Premier league ku guulaysan doonta, afarta kooxood ee UEFA Champions league ugu soo bixi doona kaalmaha sare iyo waliba kooxda saddexaad ee heerka labaad u dhici doonta.

Kooxda Manchester City ayaa talaabo wayn sare ugu qaaday sidii ay ku difaacan lahayd koobka Premier league kadib guushii ay xalay ka soo gaadhay Man United waxayna kooxda Guardiola soo dhaaftay imtixaankii ugu waynaa ee haystay.

Liverpool ayaa hogaanka lagala wareegtay laakiin Man Citay waxay wali Liverpool ka horaysaa hal dhibic oo kaliya waana sababta uu horyaalku wali u yahay mid laysku haysto oo aan lagu kala bixin waxaana jira lix kulan oo ay ciyaaridoonaan Liverpool iyo Man City oo xalaada go’aamin doona.

 

Laakiin rajadii ay kooxaha Arsenal iyo Man United ka qabeen in ay afarta sare ku dhamaysan karaan ayay jug wayni soo gaadhay waxayna hadda u muuqdaan kooxaha ay inta ugu badan suurtogalka tahay in ay ka maqnaan karaan UEFA Champions league.

Man United iyo Arsenal ayaa min labadii kulan ee ugu danbeeyay horyaalka Premier league waxay la soo kulmeen guuldarooyin xidhiidh ah taas oo la micno ah in ay min 6 dhibcood soo lumiyeen waxayna tani shaki xoogan galinaysaa in ay afarta sare ku dhamaysan karaan.

 

Man United waxay lix dhibcood ku lumisay kulamadii Everton iyo Man City waxayna hadda noqotay kooxda ugu fursada xun ee u soo bixi karta Champions league halka Arsenal ay 6 dhibcood ku soo lumisay kulamadii Crystal Palace iyo Wolves.

Tottenham iyo Chelsea ayaa noqday labada kooxood ee fursad fiican helay gaar ahaan Tottenham oo hadda qarka u saaran in ay xaqiijisato booskeeda UEFA Champions league ee xili ciyaareedka soo socda kadib guushii ay Brighton ka gaadhay.

Man United ayaa Tottenham oo kaalinta saddexaad ku jirta waxay hoos uga dhacday 6 dhibcood iyada oo wax loo dagaalamayo ee hadhsani uu yahay 9 dhibcood oo kaliya waana arin muujinaysa sida ayna United hadda ugu jirin xaalad ay ku fikiri karto kaalinta saddexaad ee ay dhawr todobaad ka hor sida buuxda ugu hamiyaysay.

Chelsea iyo Man United ayaa axada ku balansan kulan kale oo saamayn wayn yeelan kara balse ka hor kulankan waxaa muuqata in Tottenham iyo Chelsea ay fursad fiican heleen.

Halkan Kaga Bogo Miiska Kala Saraynta premier league Ee Kadib Kulamadii 35 aad ee La Ciyaaray:

Si kastaba ha ahaatee, Man City waxay la ciyaari doontaa kooxaha Burnley, Leicester City iyo Brighton halka Liverpool ay la ciyaari doonto Huddersfield, Newcastle United iyo Wolves waana min saddexda kulan ee ay Liverpool iyo Man City koobka ugu kala guulaysan karaan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker