Cabdirisaaq Khaliif Axmed Oo Caawa Booqasho Ugu Tagay Madaxweynihii Hore Ee JSL Axmed Siilaanyo.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Xisbiga WADDANI Ah-na Musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Ee Isbahaysiga Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID   Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guulleed, Ayaa Caawa Booqasho Ugu tagay hoygiisa Magaaladda Hargeysa Madaxweynihii Hore Ee JSL   Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Booqashadda Madaxweyaha Hore Ee JSL Ee Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Oo Qoraal kooban uu Kaga hadlayo Soo Dhigay Bartiisa uu ku leeyahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook  Ayuu ku  Sheegay Inuu Madaxweyne Siilaanyo uu Caafimaadkiisu fiican yahay, Isla-markaana uu Alle Uga Baryeyo Inuu Caafimaad Ugu sii Waddo.

Waxaanu Yidhi Guddoomiye Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Isagoo ka hadlaya Booqashadda uu Caawa Ugu tagay Madaxweyne Siilaanyo “Waxa aan caawa fiidkii booqasho gaaban ugu tagay hoyga uu Caasimadda Hargaysa ka deggan yahay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriydda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aan Ilaahay uga baryayo in uu mar walba caafimaad iyo cimri dherer siiyo”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker