Xukuumada Somaliland Oo War Deg-deg ah Kasoo Saartay Maxaabiistii Muqdisho La geeyey
Wasaaradda Caddaalada JSL waxa ay war-saxafadeedkan ku muujinaysaa walaaceeda ku aadan afduubka ay kula wareegtay dawlada somaaliya qaar ka mid ah maxabiistii ku xidhnayd laascaanood, kuwaaso oo badankooda laga qabtay degaanada ku hareeraysan barriga sool ee rabshaduhu ka dhaceen.
Dawladda Soomaaliya, waxa ay si badheedh ah u jebisay shuruucda caalamiga ah, kuwa mandaqada (Afrika), gaar ahaan Xeerka Saddexaad ee Heshiisyada Geneva (1949) ee ku saabsan Maxaabiista Dagaalka, gaar ahaan: Qodobka 12aad iyo Qodobka 118aad oo dhigaayo in dhammaan maxaabiista dagaalka sii dayntooda aan loo adeegsan arrimo siyaasadeed ama cadaadis cid lagu saarayo. Maxaabiista dagaalka, sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah (international Humanitarian Law), waa in loo maro hannaan waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Haddaba, dawiadda Somaaliya, waxa ay maxaabiista u adeegsatay sifo siyaasadeed iyo mid cadaadis ay ku saarayso Jamhuuriyadda Somaliland, maadama ay maxaabiista lagu qasbay in ay xidhaan calan aan calankoodii ahayn. Sidoo kale waxa maxaabiista ka muuqatay dayac & daryeel la aan baahsan.
Dawladda Somaliland iyo Somaaliya, ma jiro wax wada hadal ah oo dhex maray, kuna saabsan in maxaabiista labada dhinac la isku wareejiyo, balse waxa jira dedaallo Xukuumaddu JSL ay la wado hay’adda ICRC kaas oo loogu gogol-xaadhayo sidii maxaabiistaas la isugu wareejin lahaa.
𝐒𝐢𝐝𝐚𝐚 𝐝𝐚𝐫𝐭𝐞𝐞𝐝,
• 𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧𝐧𝐮 𝐝𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ugu baaqaynaa in maxaabiista ay sifaha sharci darrada ah kula wareegeen
ay ku wareejiyaan hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan
arrimaha maxaabiista lala kala wareego.
• 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐚𝐥-𝐢𝐧𝐬𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐞𝐲𝐚 waxa aan ugu baaqaynaa in ay si dhaw u la
socdaan xaaladda guud ee maxaabiisa laascanood laga
wareejiyey, isla markaana ku cadaadiyaan dawladda Soomaaliya inay joojiso faragelinta sharci darrada ah ee
ee ka dhanka ah Somaliland.
•𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 waxa aan ugu baaqaynaa in ay ka fogaato siyaasadayna maxaabiista ku xidhan Laascanood si aanay u xagal daacin dedaalada
nabadaynta iyo isku wareejinta maxaabiista.
Ugu danbayn, dawladda somaliland waxa ay caddeyneysaa inay ka go’an tahay in la helo
nidaam is fahan oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo lagula kala wareego maxaabiistaa.