Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo Wadamo Kale ka Raadiyay Suuqa dhanka Qaadka ah

Nairobi (OWN) – Wasaaradda Ganacsiga Kenya ayaa shaacisay inay Qorsheynayso inay suuqa dhoofinta qaadka AH ka Raadiso  saddex dal oo cusu.

 

Xili ay beeraleyda dalkaas ay quus ka muujiyeen suuqii ugu weyna ee Soomaaliya, oo xiisada xoogan kala dhaxeyso xukuumadda Nairobi.

 

Xoghayaha guud ee wasaaradda, Johnson Weru ayaa sheegay inay wasaaradu qorsheynayso inay qaadka Kenya u dhoofiso dalalka Jabuuti, Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congi iyo Mozambique, kadib cadaadis xoogan oo ay qaadleyaasha Kenya saareen dowladda.

 

Mr Weru ayaa kulan la qaatay dhamaadka toddobaadkii hore wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murungi, kuwaasi oo walaac ka muujiyey suuq xumada soo food saartaya ganacsada qaadleyda.

 

 

“Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda waxaana la shaqeyn doonnaa adeegeena diblomaasiyadeed si aan wada-hadal ula furno Jabuuti, DR Congo,

 

Mozambique iyo wadamada kale ee Africa. Maamulka gobolka waa inuu abaabulaa beeraleyda si ay uga shaqeeyaan shuruucda wadamada aan la ganacsanayno” ayuu yiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker