Falastiin oo ka hadashay go’aanka ay qaateen Spain, Norway iyo Ireland
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa soo dhaweysay go’aannada ay qaateen dalalka Spain, Norway iyo Ireland si ay u aqoonsadaan Dawladda Falastiiniyiintu leeeyihiin.
โTallaabadan muhiimka ah, Spain, Norway iyo Ireland waxay mar kale muujiyeen sida hagar laโaanta ah ee ay uga goโan tahay xalka labada dal iyo sidii shacabka Falastiin ay u gaarsiin lahaayeen cadaaladda muddada dheer ay raadinayeen,โ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Falastiin.
โIntaa waxaa dheer, aqoonsiga Spain, Norway iyo Ireland, waa mid waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo dhammaan qaanuunnada Qaramada Midoobay ee khuseeya arrimahaan, kuwaas oo si wanaagsan gacan uga geysan doona dhammaan dadaallada caalamiga ah ee ku aaddan soo afjaridda gumeysiga Israaโiil ee sharci-darrada ah iyo helitaanka nabadda iyo xasilloonida gobolka. “
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale loogu baaqayaa in dowladaha kale ay “sida ugu dhaqsaha badan u qaataan go’aankan mabda’a ah”.