Daawo: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Ciyaaraha, Gaar ahaanna Koobka Copa Del Rai
Afar ciyaarood kaddib, Liverpool kama bixi doonto magaalada ay ka dhisan tahay ee Liverpool laakiin masaafo aan fogeyn ayay u raaci doontaa baskeeda oo ay ku tegi doonto garoonka Goodison Park oo ay ballan kula leedahay Everton oo ay jilbaha isku dhigan doonaan kulanka loo yaqaano Merseyside derby.
Liverpool oo hoggaanka horyaalka Premier League ku haysa 22 dhibcood oo ay ka sarrayso Manchester City oo kusoo xigta, kaliya laba dhibcood ayay lumisay xili ciyaareedkan oo illaa hadda la dheelay 25 kulan, waxaanay soo badiyeen 24 ka mid ah, hase yeeshee lixda ciyaarood ee soo socda haddii ay sii wadaan guulaha, waxa si rasmi ah ay Reds ugu guuleysan doontaaa horyaaalka Premier League oo muddo 30 sannadood ah ay ka qatanayd.
Cadaawadda derisnimo ee Liverpool iyo Everton, waxay sannadkan noqon doontaa mid xamaasaddeedu badan tahay, sababtuna waa in kulankii hore ee Premier League ay Reds ku burburisay oo taasina keentay in shaqada laga caydhiyo tababarihii Everton, laakiin da’yar uu usoo ururiyey Jurge Klopp ayaa mar kale dhulka la dhacay oo ka reebay tartanka FA Cup.
https://youtu.be/gpkMGyyIxWU?t=5