Dal muslim ah oo mamnuucay alaabaha uga yimaada Sweden kaddib quraankii dalkaas lagu gubay
Iyadoo waddamada qaar ay ka dhacayaan dibedbaxyo loogaga soo hor jeedo kitaabkii quraanka kariimka ee lagu gubay dalka Sweden dhamaadkii bishii June, ayaa kooxda xuutiyiinta Yemen ay mamnuuceen dhamaan alaabaha uga yimaada dalka Sweden, sida uu sheegay telefishanka ay maamulaan xuutiyiintaasi.
Wasiirka ganacsiga xuutiyiinta, ayaa sheegay, in tallabada lagu mamnuucay alaabaha Sweden ay haatan si rasmi ah u dhaqan gashay, kaddib markii ay 4-tii bishan July uu go’aankan ka soo baxay guddi loo saaray arrintan.
Wasiirka ayaa sidookale waddamada kale ee muslimiinta ka codsaday inay wadadooda raacaan.