Dadka reer Qasa oo qarka u saaran in ay waayaan adeeg caafimaad
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in in ka badan hal milyan oo qof oo gabaad ka dhiganaya koonfurta magaalada Qasa ay halis ugu jiraan in ay waayaan daryeel caafimaad ka dib markii milatariga Israaโiil ay bilaabeen hawlgal โxoogganโ oo ka dhan ah Xamaas.
Isbitaalka ugu weyn saddexda isbitaall ee qayb ahaan shaqeeya ee magaalada, Abu Yuusuf al-Najjar, ayaa si degdeg shaqdiisu u istaagtay ka dib markii shaqaaluhu ay heleen amar ku saabsan in ay meesha isaga tagaan iyo dagaallo ka ag dhacayay.
Xaaladaha isbitaallada Qasa ayaa sii xumaaneysa sababo la xiriira koronto laโaan biyo yari iyo ammaanka oo ah mid halis ah.
Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka soo gala isbitaallada taas oo xaaladda ka sii dhigtay mid adag.