Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashandhigga Dalka Turkiga Oo Gaadhay Magaalada Muqdisho.
Muqdisho-(OWN)-Wafdi u hoggaaminayo wasiirka gaashandhigga dowladda Turkiga,Hulusi Akar oo ay waheliyaan taliyaha ciidanka xoogga Turkiga iyo saraakiil kale ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wasiirka gaashandhigga Turkiga iyo wafdiga uu hoggaaminaya ayaa u yimid Muqdisho sidii loo dardar gelin lahaa taageeradda howlaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo gacan weyn ay ka geysato dowladda Turkiga,sida laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA.
Muddada ay wafdigan joogaan Muqdisho, waxaa ay la kulmi doonan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya oo u ka mid yahay taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya.
