Tirada dhimashada weerarkii suuqa Sydney oo gaadhay lix qof
Booliska Magaalada Sydney ayaa sheegay in tirda dhimashada ee weerarkii middida ee suuqa Sydney ay ku dhinteen 6 qof, 8 kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan ilmo yar oo qaliin lagu sameyay.
Lixda qof ee dhimatay shan ka mid ah ayaa ah haween .
Booliisku ayaa baaraya taariikhda ninka weerarka geeysta , ayay boolisku sheegeen.
Shirka jaraa’id o ay bixissay mid k mid ah taliayaasha Booliska Webb ayey weriyaasha u sheegtay in baaritaanku uu noqon doono mid aad u qoto dheer, waxayna xustay in uu socon doono maalmo badan.
Iyada oo u jawaabeysa weriyaasha oo waydiiyay sababta booliisku ugu kalsoon yihiin in weerraku uusan la xiriirin argagixisanimo ayay tiri : “Waxaa jira waxyaabo aan fahamsanahay waqtigan xaadirka ah oo aan tilmaamaynin taas, laakiin marka aan u gudubno baaritaanka, iyo taariikhda qofkan – gurigiisa, baabuurkiisa, asxaabtiisa, waqtigaas oo kaliya ayaan ogaan doonaa.”
Ninkan weerrak geeystay oo 40 sano jiir ahaa oo ay booliskuna garanayeen ayaa waxaa toogtay askari goobta ku sugnaa.