Guddoomiye- yaasha WADDANI Iyo KULMIYE Ee Xirsi Iyo Maxamed Kaahin
Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE oo muddoba ku jira xaalad siyaasadeed oo is baddalkeeda wadata ayaa waxa ay ugu dambayn ku soo ururtay in Siyaasiyiinta kala ah Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Kaahin Axmed ay noqon doonaan labada nin ee loo badinayo in ay baddal u noqdaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), marka ay xisbiyadoodu shirarka qabsadaana sidaa ku noqon doona labada guddoomiye ee labadaasi xisbi-qaran.
Dhinaca xisbiga KULMIYE haddii aan ku horrayno, ilo-wareedy xol-ogaal ah oo u dhuun daloola xisbiga KULMIYE ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu gaadhay goโaan kama dambays ah oo muujinaya sida ay uga goโana tahay in uu talada xisbiga KULMIYE ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed isna uu ku koobnaado Musharraxa Madaxweyne ee xisbigaasi KULMIYE, kuna tartami doona muddo xileedkiisa labaad marka la gaadho doorashada Madaxtooyada oo la filayo in ay sannadka soo socda dabayaaqadiisa ka qabsoonto dalka.
Kulamo hoose oo u furmay hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo guddida Fulinta ayaa waxa lagu dardar galinayaa sidii xisbigu goโaamo uga soo saari lahaa muddoda xisbiga KULMIYE Qabsanayo shirweynihiisa iyo shirarka kale ee laamaha xisbiga kuwaasi oo goโaamo lagaga gaadhi doono is baddalka la filayo in xisbiga lagu sameeyo taasi oo xogahani noo xaqiijiyeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ah Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doono in uu yahay musharraxa xisbiga taasi baddalkeedana uu ka degi doono xilka Guddoomiyaha xisbiga oo sida sharciga KULMIYE dhigayo uu si rasmi ah booskaasi u buuxin doono Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.
Tallaabadan ugu dambaysay ee uu ku hawlan yahay Hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE waxa ay gabi ahaanba meesha ka saarayaa hankii Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) uu dhawaan shaaca kaga qaaday in uu u tartami doono mansabka Guddoomiye ee xisbiga KULMIYE, hankaasi oo ugu dambayn u muuqda hal bacaad lagu lisay, sida ay xogahani tibaaxeenna Madaxweyne Muuse Biixi qaatay goโaan ah in aanay cidina xisbiga KULMIYE kula tartamin Wasiir Maxamed Kaahin oo ay muddo dheer jaal ku soo ahaayeen siyaasadda iyo halgankii dib u xoraynta dalka. Lama oga goโaanka uu qaadan doono Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo sida uu uga fal-celin doono badheedhaha hogaanka xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale iyada oo maalmo koobani innaga xigaan shirweynaha 2aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, xogaha illaa hadda soo baxayaa waxa ay sheegayaan in aanay jirin cid xisbigaasi kula tartami doonta Hogaamiyaha wakhtigan ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la filayo in uu sidaa ku noqdo masuulka xilkan uga dambeeya Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo isagu ku koobnaan doona Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI.
Ilo-wareedyo u dhuun-daloola xisbiga WADDANI, waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in aanay jirin cid musharraxiin Guddoomiye ah oo muddodii uu tartanku furnaa ku soo xeraysatay codsiyadooda marka laga reebo siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Guddida qabanqaabada shirweynaha u gudbiyey dhammaanba shuruudihii ku xidhnaa tartamaha Guddoomiyaha Xisbiga. Inkasta oo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro hore u shaaciyay in uu u taagan yahay jagada Guddoomiyaha xisbiga haddana waxa ay xogtani sheegaysaa in aanu Guddoomiye Cirro gudbin lacagtii iyo shuruudihii kale ee ku xidhnaa qofka tartamaha ah waxaana la filayaa in uu shirka ka iclaamin doono in uu ka tanaasulay tartanka mansabkaasi, taasi oo jidka u xaadhaysa Hogaamiye Xirsi in uu kursigaasi ku guulaystao.
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa kasoo wada jeeda Beelaha Bariga Burco waxaanu xisbiga WADDANI doorkan filayaa in uu taageerada ugu badan ka helo dhammaanba beelaha dalka marka la barbar dhigo hoos u dhaca ballaadhan ee ku yimid xisbiga KULMIYE.