Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha: Liverpool waxay isku Diyaarinaysa in Gacanta laga geliyo koobka Horyaalka Premier League
Liverpool waxay isku diyaarinaysa in toddobaadyo kooban kaddib gacanta laga geliyo koobka horyaalka Premier League oo ay ku guuleysanayso markii ugu horreysay muddo soddon sannadood ah, waxaanay u baahan tahay oo kaliya in lixda ciyaarood ee soo socda ay guulo ka keento.
42 ciyaarood oo xidhiidh ah dhinacooda dhulka lama dhigin, waxaanay Reds ku dhow dahay inay soo qabato rikoodhkii Arsenal ee 2002/03 oo 49 kulan oo xidhiidh aanay wax guul-darro ah la kulmin, waxaanay kooxda Jurgen Klopp soo dhaaftay Chelsea oo kaalinta labaad ee kulamada ugu badan ee xidhiidhka ah ee aan laga badinin ku jirtay oo 40 ciyaarood khasaare ka badbaadday fasal-ciyaareedkii ugu horreeyey ee Jose Mourinho uu hoggaamiyey sannadkii 2004.
Jabinta rikodhadan waxay u geli doonaan Liverpool taariikhda, laakiin waxa kasii muhiimsan hal arrin oo kale oo uu halyeygii hore ee Jermaine Jenas rumaysan yahay inay uga habboon tahay kooxda tababare Jurgen Klopp inay dedaalkeeda samayso.
Jenas oo wax ku qora wargeyska Express, waxa uu sheegay in Liverpool ay geli doonto taariikhda kubadda cagta oo waligeed la xasuusnaan doono, haddii ay ku guuleysato saddexley koobab si la mid ah Manchester United oo sannadkii 1999-kii gacanta ku wada dhigtay Premier League, FA Cup iyo Champions League.
Jurgen Klopp waxay u egtahay in aanu mudnaan badan siinaynin ku guuleysiga saddexleyda sababtoo ah, kulankii ku celiska ahaa ee FA Cup ee Shrewsbury, waxa uu fasaxay ciyaartoygiisa heerka koowaad oo dhan, sidoo kalena isaga ayaan imanin garoonka, daโyartii iyo macallinkii watay ayaa se awood u yeeshay inay waaweynkooda u ballamiyaan Chelsea oo ay siddeed dhamaadka wada ciyaari doonaan.