Kormeerayaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku dhaawacmay duqeymo ka dhacay koonfurta Lubnaan

Saddex ka mid ah kormeerayaasha Qaramada Midoobay iyo tarjumaan ayaa ku dhaawacmay duqeynta magaalada Rmeish ee koonfurta Lubnaan, sida uu sheegay howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay ka dambeysay , balse militariga Israa’iil ayaa beeniyay in ay mas’uul ka ahaayeen.

Hawlgalka Qaramada Midoobay, Unifil, ayaa sheegay in dadka dhaawacmay la daweynayo, isla markaana ay baarayaan halka uu qaraxa ka dhashay.

Waxay timid ka dib markii ay sare u kacday xiisadda ka taagan xadka aan rasmiga ahayn ee Israel iyo Lubnaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay Unifil ayay ku sheegtay in madfac uu ku qarxay meel u dhow kooxdan oo roondo lug ah ku samaynaysay khadka Buluuga ah ee ay Qaramada Midoobay u qoondaysay ee kala qaybiya koonfurta Lubnaan iyo Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker