Waxaa Noo Bilaabmay Ugaadhsiga Saraakiishii TPLF ,,Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Ethiopia
Taliye ku xigeenka Ciidanka Itoobiya Gen. Abebaw Tadesse ayaa Magaalada Mekelle kulan kula yeeshay saraakiisha sar sare ee ciidanka Itoobiyaย
Taliye ku xigeenka Ciidanka Itoobiya Gen. Abebaw Tadesse ayaa Magaalada Mekelle kulan kula yeeshay saraakiisha sar sare ee ciidanka Itoobiyaย
Sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhiga Itoobiya kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa qaabkii loo qaban lahaa oo cadaalada loo hor keeni lahaa madaxda baxsadka ah ee TPLF.
Ciidanka Itoobiya waxay sheegeen in uu dhamaaday dagaalkiiย balse iminka uu bilowday Ugaadhsiga xubnahii TPLF gaar ahaan saraakiisha Hogaamineysay.
Inkastoo ciidanka Itoobiya 28-kii bishii la soo dhaafay ee November la wareegeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray hadana wali ma dhamaan colaada gobalkaasi.
TPLF ayaa ka dagaalameysa dhulka keymaha iyo buuraha ah ee gobalka waxaana shaqaalaha gargaarka ay sheegayaan in xitaa nawaaxiga magaalada ay ka dhacaan dagaalo goos goos ahi