Weerar Is Qarxin Ah Oo Lagu Qaaday Afaafka Madaxtooyada Soomaaliya

Qaraxyo is xigay iyo rasaas ayaa la sheegay in laga maqlay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho abaarihii 12kii duhurnimo. Qaraxa hore ayaa ka dhacay meel u dhow waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Ceel Gaab, waxaana ku xigtay rasaas xoog leh oo halkaa ka dhacaysay.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka, weerarrada maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo hoteelka halkaa ku yaalla oo ay inta badan madaxda dawladdu tagaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masโ€™uuliyadda weerarradaas oo loo adeegsaday laba gaari oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaasoo lala beegsaday bar koontarool oo madaxtooyada laga ilaaliyo iyo hotelka SYL.

Qaraxyada ayaa waxaa xigay rasaas xooggan oo ay is dhaafsadeen dableydii weerarka qaadday iyo ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka, hase yeeshee wakaaladda wararka SONNA ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka amnigu ay โ€œka hortageen qaraxyo argagixisoโ€.

Weerarradan oo kuwa noocooda oo kale ah lagu qaaday xarunta Otto Otto todobad ka hor, ayey dadku is weydiinayaan sida ay uga dheceen xarumaha dawladda, ayadoo aad loo adkeeyey amniga iyo isu socodka gaadiidka ee Muqdisho, gaar ahaan meelaha ay ku yaallaan xarumaha dawladda ee aadka loo ilaaliyo.

 

 

Xigasho: BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker